Wararka Online-ka ee website-ka ? La soco wararka Somalia

Posted by ONLINE Caasimada on December 7th, 2018

Waa laga soo gudbay maalmihii ay dadka wararka ka daawan jireen Tv-yada, ama ay ka akhirn jireen wargeysyada, ama ay ka dhageysan jireen idaacadaha. Dhamaman aaladahan, wararka waxay ahaayeen kuwa ku xiran waqtiga.  Waxay ahayd inaad sugto waqtiga ugu habboon ee aad warka akhrin karto ama dhageysan karto. Hase yeeshee, mahad ha ka gaartee internet-ka ayaa si weyn u beddelay noloshii dadka. Somalia waa dal la daala-dhacaya weeraro argagixiso oo ay fulinayaan kooxo dadka si xun u dilaya. Waxay bambooyin ku aasaan goobaha dadweynaha, sida maqaayada, si dadka ay ugu dhinataan Qarax.Sidaas darteed wararka online-ka waxay dadku u leeyihiin faa’idyooyinkan:-

  • Wararka website-ka waxay akhristayaasha siiyaan dookh ay ku xushaan warka ay rabaan inay akhiryaan, daawadaan ama dhageystaan. Tani waa muhiim sababtoo ah waqti kaagama lumayo inaad akhriso maqaal aadan rabin ama aadan xiiseynin. Tusaale tv-ga ama raadiyaha waa inaan dhageysataa warar badan oo aadan xiiseynin inta laga gaarayo midka aad dooneyso.
  • Wararka dunida oo dhan waxaad ka heli kartaa hal goob. Waxaa jira website u gaar ah kaliya akhbaaraadka waddaan gaar ah ama mowduuc gaar ah, ama waxaad isku bedelan kartaa dhowr website oo qoraya waxa aad jeceshahay.
  • Ma jiro wax xadidaad ah oo ku saabsan inta war ee aad ku akhrin karto si bilaash ah. Si ka duwan wargeysyada oo lacag ay tahay inaad ku iibsato. Tusaale daka Kismaayo waxay akhrin karaan wararka Kismaayo, ayaga oo aan wax kale watqi isaga lumin.
  • Shaki kuma jiro in wargeysyada aan warar cusub lagu dari karin marka la daabaco, sidaas darteed warka cusub waa inaad sugtaa maalinta xiga. Dhinaca kale haddii aad tusaale rabto war cusub oo ku saabsan Gaalkacyo waxaad durba ka heli kartaa online-ka isla markii uu soo baxo, oo uma baahna inaad sugto maalinta xigta.
  •  

Sidaas darteed maxaad sugaysaa, ka mid noqo dadka ku xiran Caasimada Online oo durba hel war kasta oo cusub.

Like it? Share it!


ONLINE Caasimada

About the Author

ONLINE Caasimada
Joined: August 10th, 2018
Articles Posted: 2

More by this author